DHAGEYSO:Ololaha dadweynaha looga qayb gelinaya qorshaha xilka looga qaadaya Rigathi Gachagua oo waddanka ka socda

0
155

Waxaa maanta guud ahaan dalka ka billowday ololaha dadweynaha looga qayb gelinaya inay aragtidooda ka dhiibtaan mooshinka xilka looga qaadaya madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Barnaamijkan ayaa maanta lagu qabtay dhammaan 47-da ismaamul ee uu waddanka ka kooban yahay.
Qaybaha kala duwan dadweynaha ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay qorshaha xilka looga qaadaya madaxweyne ku xigeenka.

Shalay ayay ahayd markii maxkamadda sare ay diiday inay soo saarto amar si ku meel ah oo lagu joojinayo barnaamijkan.
Hasa ahaate maxkamadda ayaa muddeysay in dacwadda uu gudbiyay madaxweyne ku xigeenka dalka la dhagyesan doona 9-ka bishan.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa ku andacooday in mooshinka xil ka qaadista ee ka dhanka ah uu yahay mid been abuur ku suleysan.
Gachagua ayaa sidoo kale waxbo kama jiraan ku tilmaamay in muddo 2 sano gudaheed uu sameeyay dhaqaalo dhan 5.2 bilyan oo shilin.
Waxaa uu qorshuhu yahay in golaha qaran ee xeer dejinta uu maalinka Talaadada ee toddobaadka dambe ka dooda ka dibna go’aan ka gaara qorshaha xilka looga xayuubinaya madaxweye ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.