Agabka kallumeysiga sharci darrada ah oo qiimihiisu yahay 6 milyan oo lagu burburiyay Homa Bay

0
145

Waxaa lagu soo warramayaa in ismaamulka Homa Bay lagu burburiyay shabaqyada lagu kallumeysto oo sharci darro ah.
Shabaqyadan lagu kalluumeysto ee sharci darrada ah ayaa qiimaheedu lagu sheegay 6 milyan oo shilin.
Waxaa burburinta shabaqyada fuliyay waaxda qaabilsan kalluumeysiga ee dowlad deegaanka Homa Bay, ka dib amar maxkamadeed oo soo baxay.
Tani ayaa ku soo aaday iyadoo howlgallo looga hortagaya kallumeysiga sharci darrada ah laga billaabay harada Victoria ee gobolka Nyanza.
Waxaa howlgalkan hoggaaminaya sarkaalka kalluumeysiga u qaabilsan Koonfurta gobolka Nyanza, George Omondi Ajuoga.
Mr. Omondi ayaa ku boorriyay qaybaha qaabilsan maamulka xeebaha inay midoobaan oo ay iibsadaan shabaqyada kalluumeysiga ee lagula taliyay kalluumeysatada, si looga fogaado khasaaro noocaan oo kale ah.
Waxaa uu kalluumaysatada iyo hoggaankoodaba kula taliyaan inay sharciga dhawraan si looga fogaado inay khasaaro la kulmaan dadka kallumeysto.