DHAGEYSO:Shacab Nyeri oo dhigay dibadbax ay uga soo horjeedan qorshaha xilka looga qaadaya Gachagua

0
150

Shacabka ismaamulka Nyeri ee uu ka soo jeeda madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachgua ayaa maanta dhigay dibadbax ay uga soo horjeedaan mooshinka xil ka qaadista ee ka dhanka ah hoggaamiyha labaad ee waddanka.
Dadweynaha ayaa xiray waddooyinka waaweyn ee mara magaalada Nyeri iyagoo taayarro dab qabadsiiyay.
Waxay sharci darro ku tilmaameen ololaha dadweynaha looga qayb gelinayo qorshaha xilka looga qaadaya Gachagua.
Dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay in qaar ka mid ah saraakiisha dowladda ay lacago laaluush ah oo dhan 500 oo shilin siinayeen dadweynaha si ay taageerro ugu helaan mooshinka xil ka qaadista ee ka dhanka ah madaxweyne ku xigeenka waddanka Rigathi Gachagua.