Ku dhawaad 50 qof oo tahriibayaal ah oo ku geeriyooday xeebaha dalka Jabuuti

0
132

Laanta socdaalka ee qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in 45 ruux oo tahriibayaal ah ay ku dhinteen xeebaha dalka Jabuuti, ka dib markii quuseen biyaha Badda Cas doomihii ay la socdeen.
Dadka dhintay ayaa qayb ka ahaa 310 ruux oo saarnaa laba doomood oo ka soo shareecday xeebaha dalka Yemen, waxaana dadkaasi laga badbaadiyay 32 qof oo kaliya, halka 233 kale wali lagu la’ yahay nolol iyo geeri.
Ciidanka badda ee dalka Jabuuti iyo howlwadeenada hay’adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa la soo warinaya inay ku howlan yihiin soo badbaadinta dadka la waayay oo wali laga rajo qabo qaarkood inay nool yihiin.
Dowladda Jabuuti iyo hay’adda IOM wali ma sheegin jinsiyadda dadkan muhaajiriinta ah ee doomihii ay saarnayeen kula qaraqmeen badda dhexdeeda sababaha keenay in tiro intaas la eg ay ku soo raaceen labo doomood kaliya.