Mooshinka xil ka qaadista ee ka dhanka ah Gachagua oo maanta baarlamaanka la horgeyn doona

0
75

Xubnaha baarlamaanka dalka ayaa lagu wadaa in maanta abbaare 2:30 duhurnimo ay golaha qaran ee xeer dejinta horgeeyaan mooshinka xil ka qaadista ee ka dhanka ah madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Waxaa sidatan xaqiijiyay xildhibaanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu ahna hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo la sheegay in 302 xidhibaan oo ka tirsan baarlamaanka ay saxiixeen mooshinka la doonaya in xilka looga xayuubiya madaxweyne ku xigeenka waddanka Rigathi Gachagua.
Mooshinka xil ka qaadista ee ka dhanka ah Gachagua ayaa u baahan 233 xildhibaan si uu u meelmaro.
Gachagua ayaa lagu eedeyay inuu ku xadgudbay qodobka 10-aad ee dastuurka waddanka, iyadoo mudanayaasha baarlamaanka ay ku doodeen in ku xigeenka madaxweynaha uusan ka firsan hadalladiisa islamarkaana uu dalka horseedaya kicin dadweyne.
Waxaa sidoo kale lagu eedeyay inuu ku xadgudbay qodobbada 147, 148, 174,186 iyo 189-aad ee dastuurka ee ka hadlaya hab dhaqanka ku xigeenka madaxweynaha.
Haddii uu mooshinka xil ka qaadista ee Gachagua uu meelmaro, guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa muddo labo maalmood gudahood qaararka golaha qaran ee xeer dejinta u gudbin doona afhayeenka aqalka sare Amason Kingi si tallaabada xigta loogu gudbo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here