Madaxa xisbiga (DAP-K) Eugene Wamalwa ayaa ku boorriyay xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Kimilili ee ismaamulka Bungoma Didmus Barasa in aan loo adeegsan dano siyaasadeed.
Tani ayaa ku soo aadeysa iyadoo mudanaha deegaanka Kimilili uu sheegay inuu horkacaya mooshinka xil ka qaadista ee ka dhanka ah ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua.
Wamalwa ayaa ugu baaqay xildhibaanka Kimilili in aysan adeegsadan qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee gobolka bartamaha dalka, kuwaas oo uu sheegay in ay dabada ka riixayaan qorshaha xil ka qaadista ee ka dhanka ah Gachagua.
Madaxa xisbiga (DAP-K) ayaa ku nuuxnuuxsaday in Barasa laga doonaya inuu xoogga saaro sidii uu ugu adeegi lahaa shacabkii soo doortay, islamarkaana uu horumar gaarsiiyo dadweynahaha gobolka Galbeedka waddanka.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Eugene Wamalwa oo uga digay xildhibaanka Kimilili In loo adeegsado dano siyaasadeed