3 qof oo loo xiray in ay ajaaniib ka dhaceen 51.6 milyan

0
109

Waxaa xabsiga loo taxaabay saddex ruux oo ku eedeysan fadeexad la xiriirta ka ganacsiga dahabka taasi oo ajaaniib looga dhacay lacag dhan 51.6 milyan oo shilin oo u dhiganta 400 oo kun oo doolar.
Ganacsigan been abuurka ah ayaa saameeyay labo qof oo u dhashay dalka Namibia, sida laga soo xigtay waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Tuhmaneyaasha ayaa lagu kala magacaaba Martha Mwikali Katumo, James Mwenda, iyo Calvin Onyango Maga.
Waxaa eedeysanayaasha laga soo qabtay guri ku yaalla xaafadda Westlands ee magaalada Nairobi.
Saraakiil ka tirsan waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da oo howlgalkan sameeyay ayaa soo helay 10.2 kiilogaraam oo dahab been abuur ah iyo mishiinka miisaanka.
DCI-da ayaa shacabka ku boorrisay in ay taxaddar muujiyaan marka ay sameynayaan maalgashi ku aadan dahabka, maadaama ay jiraan shakhsiyaad ka ganacsado dahab been abuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here