Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee ismaamulka Mombasa ayaa ka codsaday waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da in baaritaan dhab ah ay ku sameeyaan lana soo qabto dhammaan tuhmanayaasha ku lugta leh qorsheynta afduubka, jirdilka iyo faraxumenyta loo gaystay mid ka mid ah shakhsiyaadka baraha bulshada wax ku qoro kaas oo dhaliil uu jeediyay barasaabka dowald deegaanka Mombasa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in falkan la xiriirinaya 24 qof, iyadoo qaar ka mid ah ay ka tirsan yihiin shaqaalaha dowladda hoose ee Mombasa.
Xoghayaha guud ee xisbiga talada waddanka haya ee UDA Xasan Cumar iyo xildhibaankii hore ee deegaan baarlamaaneedka Nyali ee ismaamulka Mombasa Awiti Bolo, ayaa sheegeen in dhacdadaasi aan la siyaasadeyn karin.
Waxay waaxda DCI-da ugu baaqeen inay baaritaanada dardargeliso.
Dhibbanaha oo lagu magacaabo Bruce John Kajira ayaa la sheegay in 12-kii bishan ay koox ka afduubteen hooygiisa oo ku yaalla deegaanka Bamburi ee ismaamulka Mombasa.
Kajira ayaa la helay maalin ka dib afduubkiisa iyadoo uu jirdil ka muuqdo.