Gachagua oo sheegay in xildhibaanada loo soo bandhigay 5 milyan si ay u saxiixaan mooshinka xil ka qaadistiisa

0
150

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa ku andacooday in xildhibaanada baarlamaanka waddanka loo soo badhigay midkiiba 5 milyan oo shilin si ay u taageeraan xil ka qaadista isaga ka dhanka ah.
Waxaa uu xusay in qaar ka mid ah xildhibaanada xulafada la ah la isku dayay in la siiyo laaalush, hasa ahaate ay iska diideen.
Gachagua ayaa intaasi ku daray in isku dayga noocaasi ah uusan hakad gelin doonin dadaalkiisa ku aadan inuu u ololeeya shacabkii isaga soo doortay.
Waxaa uu madaxweynaha dalka ku eedeyay inuu gadaal ka riixayo xil ka qaadistiisa isagoo adeegsanayo dhowr xildhibaan.
Warar soo baxay ayaa sheegaya in mooshinka xil ka qaadista ee madaxweyna ku xigeenka dalka uu si rasmi ah baarlamaanka loo horgeyn doono maalinta Talaadada ah ee 1-da bisha soo socoto, iyadoo saxiixyo kor u dhaafayo 300 la uruuriyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here