Dowladda oo saraakiil dheeraad ah oo ka tirsan waaxda socdaalka gayn doonta xuduudaha

0
275

Dowladda dhexe ayaa saraakiil ka tirsan waaxda socdaalka dalka geyn doonta xarumaha xuduudaha si ay u xoojiyaan dadaallada looga hortagayo faafitaanka furuq daanyeerka loo yaqaano Mpox.
Xoghayaha waaxda socdaalka iyo adeegyada muwaadiniinta ee Kenya Julius Bitok ayaa sheegay in saraakiishan ay si dhow ula shaqeyn doonaan wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaha kale ee dowladda si ay uga qayb qaataan baaritaanada lagu sameynaya dadka safarka ah ee isaga kala gooshaya xuduudaha uu waddanka la wadaago dalalka deriska.
300 ee sarkaal ayaa ka mid ah saraakiil dhawaan la qoray.
Julius Bitok ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta saraakiisha cusub, wasaaradda caafimaadka, iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso si loo hubiyo in si adag loo baaro dadka safarka ah.
Waxaa uu tilmaamay in saraakiishan la geyn doona goobaha muhiimka ah ee laga soo galo waddanka, sida xuduudaha dhulka, badda iyo garoomadaha diyaaradaha.
Saraakiishan ayaa dhawaan soo gabagabeeyey tababar socday muddo shan todobaad ah oo ay ku qaadanayen dugsiga tababarka ee ku yaalla deegaanka Kabarnet ee ismaamulka Baringo.
Waxaa tababarka ay soo qaateen ka mid ah amniga, sirdoonka, isgaarsiinta iyo caafimaadka.