Mandera oo loo aqoonsaday magaalada ugu cagaaran adduunka

0
194

Magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa ku guuleysatay tartanka ilaalinta deegaanka, iyadoo loo aqoonsaday tan ugu cagaaran adduunka.
Tartanka ayaa ka koobna toddobo qaybood, iyadoo ay ku tartamayeen 21 magaalo oo kala matalayay waddamada caalamka.
Aqoonsigan ayaa lagaga dhawaaqay dalka Netherlands, waxayna Mandera la tartantay kana guuleysatay magaalooyin ay ka mid yihiin Liverpool ee boqortooyda UK ah iyo magaalada Melbourne ee waddanka Australia.
Barasaabka ismaamulka Mandera Maxamad Aadan Khaliif ayaa sanandkii hore shaqaaleysiiyay 1,300 oo qof, si ay u xanaaneeyaan geedo lagu beeray magaalada Mandera.
Tallabadaas ayaa horseeday in la beero 300 oo kun oo geedo ah.
Guusha magaalada Mandera ayaa la filaya inay bulshada iyo madaxa gobolka Waqooyi Bari ku dhiirigeliso barnaamiijyo looga hortagaya saameynta ka dhalata isbeddelka cimilada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here