Waaxda ODPP oo ansixisay dacwado ka dhan ah shakhsiyaad xulafo la ah Gachagua oo lala xiriiriyay dibadbaxyadii dhacay

0
186

Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Renson Ingonga ayaa ansixiyay dacwado ka dhan ah shan qof oo lagu eedeyay inay door ku lahaayeen qorsheynta, abaabulka iyo maalgelinta mudaaharaadyadii dowladda looga soo horjeeday ee dalka ka dhacay bishii Lixaad ee sanadkan.
Shantan qof oo la sheegay inay xilal haayaan islamarkaana xulafo la ah madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua, ayaa wajihi doona dacwad la xiriirta dibadbaxyadii waddanka ka dhacay.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay shaacisay magacyada shanta qof, oo ay ku jiraan xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Bartamaha Embakasi Benjamin Gathiru Mwangi iyo dhiggiisa Waqooyiga Embakasi James Mwangi Gakuya.
Waxaa sidoo kale shakhsiyaadka eedeymaha wajahaya ka mid ah kaaliyeyaasha madaxweyne ku xigeenka dalka oo kala ah George Theuri, Ngunjiri Wambugu iyo Pius G. Munene.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay qorshe la soo agaasimay oo lagu doonayo in lagu waxyeeleeyo sumcaddiisa iyo xasiloonida xafiiskiisa.
Warbixin uu soo saaray, ayuu Gachagua walaac ka muujiyay in isaga iyo xildhibannada xulafada la ah lala xiriirinayo dibadbaxyadii weynaa ee bilihii Lixaad iyo Toddobaad ee sanadkan ka dhacay Kenya.