Maxkamadda oo amartay taliyaha booliiska iyo agaasimaha DCI-da inay garsoorka horkeenaan wakiilka Deella

0
180

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa amartay taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja iyo agaasimaha waaxda dambi baarista waddanka ee DCI-da Aamiin Maxamad Ibraahim in ay 10 barqanimo ee maanta ay maxkamadda hor keenaan Yuusuf Xuseen oo ah wakiilka laga soo doortay deegaanka hoose ee Deella oo ka tirsan deegaan baarlamaaneedka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer.
Yuusuf Xuseen ayaa 13-kii bishan laga afduubtay bartamaha magaalada Nairobi.