Madaxweynaha dalka oo wada hadal la yeeshay xoghayaha guud ee qaramada midoobay

0
181

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa wada hadal kula yeeshay magaalada New York ee dalka Maraykanka xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres.
Waxaa uu sheegay in Kenya ay xaqiijineysa sida ay uga go’an tahay ilaalinta iyo horumarinta mabaadi’da aasaasiga ah iyo qiyamka ee qaramada midoobay.
Madxweynaha dalka ayaa hoosta ka xarriqay inuu Mr. Guterres kala hadlay baahida loo qabo ballaarinta xarunta qaramada midoobay ee magaalada Nairobi (UNON) iyo xoojinta barnaamijka arrimaha deegaanka ee qaramada midoobay ee (UNEP) ee caasimadda waddanka.
Waxaa uu sidoo kale madaxweynaha kala hadlay xoghayaha guud ee qaraamda midoobay, kor u qaadista doorka muhiimka ah ee Kenya ee howlgalka nabad sugidda ee Haiti ee (MSS).
Madaxweynaha ayaa ku boorriyay xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa Antonio Guterres inuu adeegsado awooddiisa si uu u abaabulo taageerrada howlgalka nabad sugidda ee Haiti si looga adkaado kooxaha hubeysan ee waddankaasi.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay taageerrada iyo hoggaaminta Kenya ee horumarinta nabadda gobolka iyo Caribbean-ka.