Maxkamad ku taalla magaalada Nakuru ayaa maanta billaabi doonta dhageysiga kiis musuqmaasuq ah oo ka dhan ah senetarka ismaamulka Uasin Gishu, Jackson Mandago.
Barasaab ku xigeenkii hore ee dowlad deegaanka Uasin Gishu, John Barorot ayaa la filayaa in fadeexadda kiiskan uu caddeeyo, iyadoo 202 qof ay marqaati ka noqon doonaan arrintan.
Senetarka ismaamulka Uasin Gishu iyo saddex eedeysane kale ayaa lala xiririnaya fadeexaad lagu lunsaday balaayin lacag ah oo laga qaaday waalidiin doonayay in carruurtooda waxbarasho dibadeed loogu diro waddamada Finland iyo Canada.
Eedeysanayaasha kale ayaa kala ah Joseph Kipkemoi Maritim, Meshak Rono iyo Joshua Kipkemoi Lelei.
Fadeexadaan ayaa ragaadisay boqollaal arday ah, iyadoo haatan waalidiin badan ay la daala dhacayaan khasaaraha dhaqaale ee arrintan ka soo gaartay.
Dhaqaalahan ayaa la lunsaday muddadii uu Jackson Mandago ahaa barasaabka ismaamulka Uasian Gishu.