Dowladda oo toddobadkan soo saari doonta 7 bilyan oo loo adeegsanaya dhisidda fasallada JSS

0
378

Wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka ayaa la filaya inay toddobaadkan bixiso 7 bilyan oo shilin oo lagu dhisayo fasallo dheeraad oo gaaraya 7,000.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Julius Ogamba, xilli uu hortegay guddiga tacliinta ee baarlamaanka.
Waxaa fasalladan la doonaya inay adeegsadaan ardayda u gudbaya heerka 9-aad ee dugsiyada loo yaqaano Junior Secondary School (JSS).
Wasiirka waxbarashada ayaa kalsooni ka muujiyay in ugu yaraan 11,000 oo fasallo ah la dhamaystiri doono dabayaqada sanadkan.
Waxaa uu intaasi ku daray in lo baahan yahay ugu yaraan 16,000 oo fasallo cusub oo dheeraad ah.
Wasiirka ayaa xusay in sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee (NGCDF) uu sidoo kale mashruucan taageeri doono.
Dhanka kale, wasiirka tacliinta ee dalka Julius Ogamba ayaa sheegay in 60,000 oo macallimiin ah oo wax ka dhigi doona fasallada hoose ee dugsiyada sare ee JSS la shaqaaleysiin doono billaha 11-aad iyo 12-aad ee sanadkan.