Madaxweynaha dalka oo ammaanay hay’ad uu ku eedeeyay inay maalgelisay dibadbaxyadii waddanka ka dhacay

0
333

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa wada hadallo heer sare ah kula yeeshay magaalada New York ee waddanka Maraykanka madaxa hay’adda Ford Foundation Darren Walker.
Kulankan ayaa ku soo aadaya labo bilood un ka dib markii madaxweyne William Ruto uu hay’addan oo ka shaqeysa daryeelka aadanaha la xiriiriyay dibadbaxyadii waddanka ka dhacay.
Madaxweynaha ayaa xilligaasi ku dooday in hay’addan ay maalgelisay mudaaharaadyadii ka dhanka ahaa dowladda.
Hasa ahaatee madaxweynaha ayaa beddelay mowqifkiisi hore, ka dib kulanka uu la yeeshay madaxa hay’adda Ford Foundation.
Madaxweynaha ayaa hay’addan ku ammaanay ilaalinta dimuqraadiyadda iyo taageeridda dadaallada Kenya ee dib u habeynta dhaqaalaha caalamiga ah iyo ka falcelinta isbedeelka cimilada.
Hay’adda aan dowliga ahayn ee Ford Foundation ayaa la aasaasay sanadkii 1936-dii waxayna deeqo lacageed ku taageertaa arrimaha sayniska iyo waxbarashada.
Hay’addan oo sidoo kale ka shaqeysa gargaarka baniaadannimo ayaa ka howlgasho 11 gobol oo ku yaalla qaaradaha Afrika , Aasiya sidoo kale Ameerika.
Gobolka Bariga Afrika , waxaa uu iskaashi kala dhexeeya dalalka Kenya, Uganda iyo Tanzania iyadoo u ololeysa garsoorka rayidka iyo badbaadinta shakhsiyaadka u doodo cadaaladda bulshada.
Waxay tan iyo sanadkii 2009-kii ku deeqday in ka badan 138 bilyan oo shilin.