Madaxweynaha dalka oo gaaray waddanka Haiti

0
284

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa gaaray caasimadda dalka Haiti ee Port-au-Prince si uu u kormeera howlgalka nabad sugidda ee waddankaasi ee ay taageeraysa qaramada midoobay oo ay hoggaaminaysa Kenya.
Socdaalka madaxweynaha dalka ee waddanka Haiti ayaa ku soo aadaya iyadoo 100 maalmood ay ka soo wareegatay markii ciidamada booliiska ee Kenya ay gaareen dalkaasi.
Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Xuseen Maxamad ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in madaxweyne William Ruto iyo madaxweynaha waddanka Haiti ay la kulmayaan booliiska Kenya ay hoggaaminaya howlgalka nabad sugidda ee Haiti.
Waxaa uu intaasi ku daray in madaxweynaha dalka uu la kulmi doono golaha madaxtooyada ku meel gaarka ah ee Haiti iyo mas’uuliyiin kale.
Waaxda qaabilsan isgaarsiinta ee golaha ku meel gaarka ah ee madaxweynaha Haiti ayaa sheegay in booqashadu madaxweyne William Ruto ay qayb ka tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.
Ciidamada booliiska Kenya ee la geeyay waddanka Haiti ayaa sheegay inay soo hooyeen guulo wax ku ool ah.
Saraakiishan oo hoggaaminaya howlgalka nabad sugidda ee Haiti ee (MSS) ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ee dalkaasi kala wareegeen aagga muhiim ah oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Port-au-Prince.
Waxay si dhow ula shaqeynayaan booliiska qaran ee Haiti iyo bulshada maxalliga ah.
Saraakiishan oo kaashanaya kuwo matalaya Ilaa 6 waddan oo kale oo howlgalkan ka qayb qaadanaya ayaa ciidamada Haiti garab ku siinaya in ay ka adkaadaan burcadda.
In ka badan 500,000 oo qof ayaa lagu dilay dagaallada dalkaasi ka taagan halka ku dhawaad 5 milyan oo qof ay wajahayaan macluul baahsan.
Haiti ayay isku dhacyo rabshadeysan ka taagnaayeen tan iyo markii bishii 7-aad ee sanadkii 2021-kii la dilay madaxweynihii dalkaasi Jovenel Moïse .
Sanadkii hore ayay ahayd markii golaha ammaanka ee qaramada midoobay uu ansixiyay qaraar uu tirsigiisu yahay 2699 kaaso oo qeexaya in Haiti la geeyo howlgal nabad sugid oo ay hoggaaminaysa Kenya.
Dhanka kale, madaxweynaha dalka William Ruto ayaa la filaya inuu khudbad ka jeediyo kalfadhiga 79-aad ee golaha guud ee qaramada midoobay oo dhawaan ka furmi doona magaalada New York ee waddanka Maraykanka.