Hoggaamiye sare oo ka tirsan Xisbullaah oo lagu dilay Beirut

0
238

Hoggaamiye sare oo ka tirsan ururka Xisbullaah ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ay Israa’iil ku qaadday caasimadda dalka Lebanon ee Beirut.
Xisbullaah ayaa xaqiijisay geerida Ibraahim Caqiil ka dib markii Israa’iil ay sheegtay inuu ka mid ahaa dhowr sarkaal oo sare oo Xisbullaah ah oo lagu dilay duqeynta.
Goor sii horreysay, saraakiisha Lebanon ayaa sheegay in ugu yaraan 14 qof ay ku dhinteen tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen weerarka lagu garaacay deegaanka Dahieh oo dadku ku badan yihiin, oo ah goob ay ku xooggan yihiin kooxda Xisbullaah
Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa waxaa ka jiray isku imaatin, iyadoo kooxaha adeegyada caafimaadka ay u gurmadeen dadkii ku dhaawacmay weerarka, sidoo kale waxa ay baadigoob ugu jireen dad la rumeysan yahay inay ku hoos jiraan burburka.
Ugu yaraan hal dhisme ayaa dumay halka kuwa kalena ay soo gaareen burbur xooggan.
Goobta waxaa durba soo gaaray xubno ka tirsan Xisbullaah, kuwaas oo xiray waddooyinkii ka ag dhawaa guriga ay Israa’iil duqeysay.
Weerarka ayaa ku soo aadaya iyadoo aad loo hadal hayo dhacdadii maalmo ka hor ka dib markii ay ku qarxeen aalad ay ku wada xiriirayeen ururka Xisbullaah
Weerarkii shalay ala beegsaday hoggaamiyaha sare oo ka tirsan Xisbullaah, kana dhacay Beirut ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee magaaladaasi lala beegsado tan iyo iyo bishii toddobaad ee sanadkan, ka dib dilkii madaxii militeriga ee Xisbullaah Fu’aajd Shukr.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here