Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Kimilili ee ismaamulka Bungoma, Didmus Barasa ayaa sheegay in dabayaaqada sanadkan uu golaha qaran xeer dejinta xilka ka xayuubin doona ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua.
Waxaa uu xusay in haatan uu fasax kaga maqan yahay baarlamaanka.
Hasa ahaate, maalinka mooshinka xilka looga qaadaya Rigathi Gachagua uu golaha qaran ee xeer dejinta soo xaadiro doono.
Hadalka xildhibaanka Kimilili ayaa ku soo aadaya iyadoo madaxweynaha ku xigeenka dalka xilli uu warramay taleefishinka maxalliga ee Citizen uu sheegay inuu jiro qorsho xilka looga qaadaya.
Rigathi Gachagua ayaa xusay in kaliya madaxweynaha dalka uu awood dastuuri u leeyahay inuu xilka ka xayuubiyo.