Madaxweynaha dalka oo magacaabay guddi dib u eegis ku sameynaya maalgelinta tacliinta sare

0
119

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacay magacaabidda guddi heer qaran ah oo dib u eegis ku sameynaya hannaanka cusub ee maalgelinta tacliinta jaamacadaha iyo machadyada farsamada.
Guddigan ayaa loo xilsaaray dib u eegista tabashooyinka ardayda ee ku aaddan hannaanka ay dowladdu ku maalgelinaysa tacliinta sare.
Waxay guddigan haystaan muddo 8 toddobaad oo ay warbixintooda ku soo gudbinayaan.
Guddigan ayaa marka uu dib u eegista soo gabagabeeyo wuxuu marka hore warbixintiisa la wadaagi doona wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka ka hor inta aan loo sii gudbin madaxweynaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here