5 qof oo ku eedeysan dil iyo dhac ay gaysteen oo maxkamad la soo taagay

0
124

Waxaa maxkamadda magaalada Makindu ee ismaamulka Makueni la soo tagay 5 qof oo labo ka mid ah ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan dalka Tanzania.
Eedeysanayaasha ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta rabshad iyo dilka Joseph Kamala oo ahaa darawal ku shaqeyn jiray mootada ama dhugdhugleyda.
Joseph Kamala ayaa 31-dii bishii hore lagu dilay magaalada Makindu ee dowlad deegaanka Makueni.
Waxay eedeysanayaasha ka soo hormuuqdeen garsoore Evans Mbicha iyagoo iska fogeeyay dhammaan eedeymaha la soo jeediyay.
Waxaa eedeysanayaasha lagu kala magacaaba Boniface Mugira, George Maina, James Mwangi, Victor Arnold, iyo Antipas Msana.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in eedeysanayaasha ay xadeen mooto qiimaheedu lagu sheegay 176,100 ayna dileen mulkiilihii lahaa.
Maxkamadda ayaa diiday damaanad ay codsadeen eedeysanayaasha.
Kiiskan ayaa mar kale la dhageysan doona 24-ka bishan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here