Booliiska Jamaica oo gaaray Haiti

0
507

Waxaa dalka Haiti gaaray 24 sarkaal oo isugu jiro ciidamada difaaca iyo kuwa booliiska ee waddanka Jamaica.
Waxay ku biirayaan howlgalka nabad sugidda ee Haiti ee ay taageeraysa qaramada midoobay ee ay hoggaaminaysa Kenya.
Horraantii toddobaadkan ayay ahayd markii ay Jamaica shaacisay in ciidamada ay u diraysa Haiti ay qaabilsanaan doonaan taageerada dhanka qorsheynta , taliska iyo tasiilaadka ama sahayda.
Waxay la shaqeyn doonaan ciidamada qalabka sida ee Haiti iyo saraakiisha booliiska ee waddankaasi oo la dagaallamaya kooxo burcad oo hubeysan kuwaasi oo gacanta ku haya boqolkiiba 80 ee caasimadda Haiti ee Port-au-Prince.
Rabshadaha Haiti ayaa taagnaa tan iyo bishii Toddobaad ee sanadkii 2021-kii xilligaasi oo la dilay madaxweyne Jovenel Moïse.