Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Davis Chirchir ayaa beeniyay wararka sheegaya in dowladda Kenya ay shirkadda Adani ee laga leeyahay India la gashay heshiis kama dambeys ah oo muddo 30 sano loogu wareejinaya maareynta garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu guddiga arrimaha waddooyinka , gaadiidka iyo guriyeynta ee aqalka sare uu u sheegay in wada hadallada arrinkan ku aaddan ay marayaan heer sare balse ilaa iyo hadda aan la saxiixin is-afgarad dhameystiran.
Chirchir ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay ku howlan tahay in la qiimeeyo awoodda farsamo iyo midda dhaqaale ee shirkadda Adani iyadoo la adeegsanaya nidaamka maalgashiga ee u dhexeeya dowladaha iyo waaxyaha gaarka ah ee loo yaqaano (PIP).
Wasiirka ayaa xusay in ilaa iyo hadda keliya lagu heshiiyay qodobbada shuruudaha wada xaajoodyada.
Waxaa uu cadeeyay in aan weli heshiis la saxiixin sidaasi awgeedna uunan waqti xaadirkan jirin dokumeenti rasmi ah oo labada dhinac laga doonaya in ay u hoggaansamaan.