DHAGEYSO:6 arday oo ku dhintay shil ka dhacay waddada Kitui-Kibwezi

0
325

Waxaa la xaqiijiyay in 6 arday ah ay ku geeriyoodeen shil saaka ka dhacay waddada u dhexeysa ismaamulka Kitui iyo magaalada Kibwezi oo ka tirsan dowlad deegaanka Makueni.
Shilka oo laga soo tabiyay aagga xarunta ganacsiga ee Wiitu ayaa waxaa khasaaraha nafeed ee ka dhashay warbaahinta u sheegay guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo deegaanka Ikutha ,Vincent Loctary Lomachary.
Waxaa uu xusay in 6-da qof ee shilkaasi ku dhintay ay isugu jiraan 3 arday oo dhigta dugsiga hoose dhexe iyo 3 kale oo dhigta dugsiga sare.
Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ardayda uu jiiray baabuur nooca taksiga ee Probox xilli ay waddada gudbayeen.
Darawalka baabuurkaasi ayaa goobta shilka ka baxsaday in kastoo uu markii dambe isku soo dhiibay saraakiisha saldhigga booliiska ee Mutomo .
Wadaha ayaa la xiray iyadoo la qabtay baabuurkii shilka gaystay waxaana socdo baaritaano dhacdadaasi ku aaddan sida uu warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliiska ee deegaanka Ikutha ee ismaamulka Kitui Raphael Mutiso oo khadka taleefoonka ugu warramay idaacadda maxalliga ee Radio Citizen.