Dowladaha Kenya iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu wadaa in ay sare u qaadaan iskaashiga dhinaca gaashaan dhigga ee ka dhexeeya.
Waxaa sidatan sheegtay wasiiradda difaaca ee dalka Soipan Tuya.
Waxay hoosta ka xarriiqday in wada shaqeyntan ay ku saabsan tahay sameynta maraakiibta , garaadka macmalka ee AI loo yaqaano , amniga aaladaha iyo baraha intarneetka si loo xoojiyo dadaallada nabad galyada ee gobolka.
Tuya ayaa arrintan ka sheegtay wada hadal ku saabsanaa difaaca oo ka qabsoomay caasimadda dalka Kuuriyada Koonfureed ee Seoul .