Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ku boorriyay in maamulkiisa uu ka baaraan dego qorshaha meel kale loogu wareejinaya ganacsatada suuqa Wakulima ee caasimadda dalka.
Tani ayaa timid ka dib markii ganacsatadan ay shalay sameeyeen dibadbax ay uga cabanayaan in loo daadgureeyo dhanka suuqa Kangundo .
Gachagua ayaa Sakaja kula taliyay inuu la kulmo hoggaamiyaasha ganacsatada suuqaasi si xal waara looga gaaro ismari waaga jira.
Madaxweyne ku xigeenka waddanka ayaa sheegay in dastuurka Kenya uu fursad siinaya in shacabka ay aragtidooda ku biiriyaan qorshaha dowladda iyo ismaamullada ka hor inta aan la qaadan go’aammada muhiimka ah.
Waxaa uu barasaabka Nairobi xusuusiyay ballanqaadkii ay sameeyeen xilligii ololaha doorashada ee ahaa in aan la carqaladeyn doonin nolosha kenyaanka.