Weerar ay ciidamada militariga ee Israa’iil ku qaadeen dugsi ku yaalla bartamaha Qaza ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 18 ruux.
Dugsigan oo ay maamusho qaramada midoobay ayaa loo yaqaanaa Al-Jaouni wuxuuna hooy u ahaa barakacayaal.
Dadka halkaasi ku nafwaayay waxaa ka mid ah 6 sarkaal oo u shaqeynayay jimciyadda qurumaha ka dhexeysa gaar ahaan hay’adda qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA.
Goobjoogayaal ayaa laga soo xigtay in shakhsiyaadka weerarkaasi lagu dilay ay ka mid yihiin haween iyo carruur.
UNRWA ayaa laga soo xigtay in dhimashadaasi ay tahay midii ugu badnayd ee hal dhacdo laga soo tabiyay muddo 11 bilood ah oo uu socdo duullaanka militari ee ay Israa’iil ka wado Qaza.