Madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM Raila Odinga ayaa barasaabka ismaamulka Kisumu Prof. Anyang’ Nyong’o u xil saaray inuu si ku meel gaar ah u guddoomiyo fadhiyada guddiga dhexe ee maamulka xisbiga ee CMC.
Guddigan ayaa ka mid ah laamaha ugu sarreeya xisbiga ee dhanka go’aan qaadashada.
ODM ayaa bayaan ay soo saartay ku caddeysay in Mr. Raila Odinga uu weli yahay hoggaamiyahooda balse maadaama uu ku mashquulaya ololaha uu ugu jiro qabashada xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da uu barasaabka Kisumu u soo xushay inuu si ku meel gaar ah u guddoomiyo shirarka guddiga maamulka.
Nyong’o ayaa guddigan hoggaamin doono ilaa bisha Labaad ee sanadka 2025-ka.
Xoghayaha Guud ee xisbiga ODM ahna senatarka ismaamulka Nairobi , Edwin Sifuna ayaa beeniyay in Nyong’o loo diyaarinaya inuu la wareego hoggaanka ugu sarreeya ee xisbiga.
Waxaa uu Sifuna intaasi ku daray in marka uu Raila Odinga ku sugan yahay gudaha waddanka uu isaga kulamada guddoomin doono hasa ahaate, keliya la go’aansaday in maqnaanshaha hoggaamiyaha xisbiga aynan keenin wax khalkhal ah.