Hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha hoose ee Nakuru oo xilka laga qaaday

0
265

Xubnaha golaha hoose ee ismaamulka Nakuru ee ka tirsan xisbiga UDA ayaa xil ka qaadis ku sameeyay madaxii aqlabiyadda ee golahaasi Alex Langat .
Waxay ku eedeeyeen karti xumo dhanka shaqada ah iyo inuu ka hor istaagay in ay la xisaabtamaan dowladda hoose ee Nakuru.
Warqad uu saxiixay wakiilka deegaanka hoose ee Biashara Ward ,Fadhili Msuri ayaa lagu sheegay in wakiillada ay go’aanka xil ka xayuubinta Langat qaateen ka dib kulan ay yeesheen.
Kulankaasi ayaa qabsoomay Isniintii waxaana guddoomiyaha golaha hoose ee dowlad deegaanka Nakuru lagu wargeliyay in 31 wakiil oo ka tirsan ama xulafo la ah xisbiga talada dalka haya ee UDA ay go’aansadeen in ay beddelaan hoggaamiyahooda aqlabiyadda.
Waxaa warqadda ku xusan in siyaasigan uu sidoo kale ku guul darreystay inuu isugu yeero wakiillada uu hoggaamiyo si looga wada hadlo arrimo taagan.
Waxay xilkii uu hayay Alex Langat u magacaabeen wakiilka deegaanka hoose ee Keringet , William Mutai .