Ugu yaraan 13 qof oo lagu dilay Qaza

0
271

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada in ka badan 13 qof ka dib weerar ay xalay Israa’iil ka gaysatay dugsi ay ku barakaceen qaxootiga Qaza.
15 ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay duqeynta oo sidoo kale lala eegtay dhismooyin dad rayid ah deganayeen.
Waxaa sidatan ku warramaysa wakaaladda rasmiga ah ee wararka dowladda Falastiin ee WAFA.
Wakaaladda ayaa sidoo kale sheegtay, in ugu yaraan 8 ka mid ah dadkan lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka gaysatay dugsiga Halimah al-Saadiyah ee waqooyiga marinka Qaza.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , ugu yaraan 40,878 qof ayaa lagu dilay Qaza iyadoo la dhaawacay 94,454 dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here