DHAGEYSO:Muuse Biixi oo si adag uga hadlay imaanshaha Masar iyo go’aanka Somaliland

0
282

Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga hadlay heshiiska ay dowladda federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Masar, isagoo ka digay khatarta Masar ay ku tahay gobolka, sida uu hadalka u dhigay.
Muuse Biixi oo dadweyne isku soo baxay kula hadlay degmada Togwajaale ayaa ku celceliyey in heshiiskii ay la galeen Itoobiya uu dhaqangeli doono, islamarkaana masiirkooda aysan u daba farriisan doonin Muqdisho.
Waxaa uu si adag u sheegay in imaanshaha Masar ee gobolka Geeska Afrika uu yahay khatar weyn, isagoo dowladda federaalka Soomaaliya ku dhaliilay sababta ay heshiis ula galeyso waddan aysan xuduud wadaagin, iyagoo ka cararaya deriskooda.
Madaxweynaha Somaliland ayaa u jawaabay Soomaalida ku nool dalka Kenya ee ka soo horjeeda qorshaha Itoobiya ay heshiiska kula saxiixatay Somaliland.
Muuse Biixi ayaa sheegay in MoU Somaliland iyo Itoobiya uu banaanka soo dhigay cadow badan oo Masar gacal u arkaayay, isagoo dadkii uu la hadlaayay ugu baaqay inay garab istaagaan dadka ay u arkaan inay difaacayaan qadiyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here