DHAGEYSO:KUPPET oo dowladda dhexe ku eedeysay dabkii ay ardayda ku dhinteen ee Nyeri

0
304

Ururka ay ku mideysan yihiin macallimiinta dugsiyada sare iyo machadyada ee (KUPPET) ayaa eedeyn u jeediyay dowladda dhexe ka dib dabkii saameeyay dugsiga hoose dhexe ee Hillside Endarasha Academy oo ku yaalla deegaanka Kieni ee ismaamulka Nyeri .
Waxaa dhacdadaasi ku geeriyoodeen 18 arday halka ay ku dhaawacmeen 14 kale oo xaaladooda lala tacaalaya.
Xoghayaha Guud ee ururka ay ku mideysan yihiin macallimiinta (KUPPET) Akelo Misoro oo ka tacsiyeeyay dhacdadaasi ayaa ku baaqay in loo hoggaansamo tallaabooyinka badbaadada ee dugsiyada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in aan la hirgelin tillaabooyinka badbaadada ardayda ee dugsiyada.
Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa lagu eedeyay in ay iska dhego tirtay baaqyada lagu ilaalinayo u hoggaansanaanta siyaasadaha hoos yimaada buugga heerarka badbaadada ee dugsiyada wadanka ee la ansixiyay sanadkii 2018-kii.
Dhankan kale, guddoomiyaha qaran ee ururka macallimiinta ee KUPPET Omboko Milemba ayaa wasaaradda waxbarashada ee dalka ugu baaqay inay dhaqangeliso tallaabooyinkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here