Kenya oo laga xaqiijiyay kiiskii 5-aad ee Mpox

0
261

Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Dr. Deborah Barasa ayaa sheegtay in gudaha waddanka laga xaqiijiyay kiiskii Shanaad ee furuq daanyeerka Mpox.
Waxaa cudur sidaha laga helay haweeney 29 sano jir ah oo deggan meel u dhow dugsiga Tumaini Academy ee ismaamulka Mombasa.
28-kii bishii hore ayay ahayd markii haweeneydan la geeyay isbitaalka guud ee xeebta ee Coast General Hospital waxaana baaritaan ka dib la xaqiijiyay in uu haleelay cudur sidaha Mpox.
Waxaa hadda si gaar ah loogu daryeelaya qayb ka tirsan isbitaalka Utange .
Bayaanka wasaaradda caafimaadka ee dalka waxaa ku cad in bukaankan aynan mar dhow u safrin waddan laga soo tabiyay caabuqa Mpox balse uu u gudbiyay seygeeda oo 24-kii bishii Siddeedaad ka soo laabtay Rwanda kaasi oo ahaa qofkii afaraad ee Mpox laga helay oo hadda lagu daaweynaya Nakuru.
Dr. Deborah ayaa intaasi ku dartay in dowladdu ay si dhow ula socoto 33 qof oo la macaamilay shakhsiyaadka laga helay cudurka.
Wasiiradda ayaa sheegtay in 5-ta qof ee uu saameeyay furuq daanyeerka Mpox, labo ka mid ah ay caafimaadeen halka saddexda kale weli la daaweynaya.
Waxay kenyaanka u xaqiijisay in xarumaha caafimaadka ee dalka ay awoodaan in ay baaraan oo ay daaweeyaan caabuqan sidaasi awgeedna aynan jirin sabab walaac loo muujiyo.

Sidoo kale , waxay shacabka ku boorrisay in aynan u safrin waddamada fayraskan laga soo tabiyay haddii ay iskaga shakiyaanna ay tagaan isbitaalka ugu dhow.
Ilaa iyo hadda waxaa la baaray dhacaan dhan 124 waxaana caabuqa Mpox laga waayay 110 ka mid ah.
9 ayaa weli la qiimeynaya oo aan natiijo laga soo saarin iyadoo kiisaska la xaqiijiyay ay yihiin shan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here