Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa shaacisay in qaybta xalay gubatay ee dugsiga hoose dhexe ee Hillside Endarasha Academy ee galbeedka deegaan baarlamaneedka Kieni, ismaamulka Nyeri ay hooy u ahayd 156 arday ah.
Waxaa sidatan sheegay xoghayaha tacliinta aasaasiga ee dalka Dr. Belio Kipsang.
Waxaa uu xusay in dugsigaasi ay dhigtaan 824 arday ah oo isugu jiro 402 wiilal ah iyo 422 oo gabdho ah.
Dr. Kipsang waxaa uu intaasi ku daray in 156 wiilal ah iyo 160 gabdhood ay seexdaan dugsiga dhexdiisa halka inta kale ay guriyahooda u hooydaan.
Waxaa uu cadeeyay in qaybta xalay gubatay ay ahayd midii ay wiilasha jiifeen.
Wasaaradda tacliinta ee dalka oo kaashanaysa wasaaradda arrimaha gudaha iyo midda caafimaadka ayaa ku dadaalaysa sidii 14-ka arday ee dhaawaca ah ay u heli lahaayeen daryeelka ugu wanaagsan.
Kipsang ayaa sheegay in iyadoo la fulinaya amarkii madaxweynaha dalka William Ruto ay wasaaradda kaashanaysa aamullada ammaanka si loo baaro sababtii keentay in xalay uu dugsigaasi dab ka kacay.
Waxaa uu tilmaamay in wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka oo safar ugu maqan Shiinaha uu dib u soo laabanaya si arrintan looga sal gaaro.
Kipsang oo hadda goobta ku sugan ayaa ugu dambeyn tacsi u diray qoysaska iyo ehellada ay carruurtooda ku geeriyoodeen dhacdadaasi.
Afhayeenka dowladda dhexe, Isaac Mwaura ayaa dhankiisa sheegay in dugsigaasi la geynaya 100 joodari iyo 100 bustooyin ah.
Sidoo kale , xaruntaasi ayaa la gaarsiinaya 50 kaartoon oo bariis ah iyo 50 digir ah.
Sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Mr. Gilbert Masengeli ayaa xaqiijiyay in ay socdaan baaritaannada ku aaddan dabkii xalay ka kacay dugsiga Hillside.
Barasaabka ismaamulka Nyeri Mutahi Kahiga ayaa sheegay inuu murugada la qaybsanaya waalidiinta ardayda dabkaasi ku nafwaayay iyo maamulka dugsiga .
Audio Player