Madaxweynaha dalka oo amar ku bixiyay in la baaro sababtii keentay dabka ay ardayda ku dhinteen ee Nyeri

0
300

Madaxweynaha dalka oo amar ku bixiyay in la baaro sababtii keentay dabka ay ardayda ku dhinteen ee Nyeri
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu tacsi u diray qoysaska iyo ehellada 17 arday ah oo ku geeriyooday dab xalay saameeyay dugsiga hoose dhexe ee Hillside Endarasha Academy oo ku yaalla deegaanka Kieni ee ismaamulka Nyeri .
Waxaa uu madaxweynaha dhacdadaasi ku tilmaamay mid aad looga naxo isagoo dhanka kale caafimaad degdeg ah u rajeeyay inta dhaawaca ah ee weli lala tacaalaya xaaladooda.
Hoggaamiyaha dalka ayaa maamullada kala duwan ku amray in ay baaritaano qoto dheer ku sameeyaan sababta keentay in ay gubato mid ka mid ah xarumaha ay ardayda seexdaan ee dugsigaasi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in lala xisaabtami doono cidii falkaasi ka dambeysay.
William Ruto ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ay abaabulaysa kheyraadka lagama maarmaanka ah si loo caawiyo qoysaska ay arrintan saameysay.
Waxaa sidoo kale tacsi diray madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua oo xusay inuu murugada la qaybsanaya qoysaska ay carruurtooda waxyeellada soo gaartay iyo guud ahaan qaranka.
Gachagua oo caafimaad degdeg ah u rajeeyay ardayda dhaawaca ah oo gaaraya ilaa 14 ayaa dhanka kale, maamullada dugsiyada ka dalbaday in ay dhaqangeliyaan tallaabooyinka xaqiijinta badqabka ee ay soo saareen wasaaradda tacliinta iyo hay’adaha kale si dhacdooyinka noocani ah looga baaqsado.
Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Moses Wetang’ula ayaa isna tacsi diray .
Waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay dabka saameeyay dugsiga Hillside Endarasha Academy ee ismaamulka Nyeri.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah ayaa dhankiisa xusay in aan oraah lagu cabbiri karin murugada ay wajahayaan waalidiinta ay ardaydooda dhacdadaasi ku geeriyoodeen.
Siyaasiyiinta kale ee tacsida diray waxaa ka mid ah madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi, hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga, dhigiisa Wiper Kalonzo Musyoka , wasiirka arrimaha deegaanka Aadan Barre Ducaale , dhigiisa cayaaraha Kipchumba Murkomen, madaxa xisbiga DAP-K Eugene Wamalwa iyo mas’uuliyiin kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here