Dambi baare khaas ah oo lagu helay inuu laaluush qaatay

0
164

Maxkamadda qaabilsan dhageysiga dacwadaha la xiriira musuqmaasuqa ee ismaamulka Nairobi ayaa Simon Titus Yandi ku heshay dembi ah inuu laaluush qaatay.
Shakhsigan ayaa ah agaasimaha shirkadda Swift Tracing and Company Limited .
Simon oo ah dambi baare khaas ah ayaa lagu cadeeyay inuu haweeney ganacsato ah ka qaatay laaluush dhan 30,000 oo shilin.
Garsoore sare Isabellah Barasa ayaa sheegtay in waaxda dacwad oogidda ay soo bandhigtay caddeymo wax ku ool oo ka dhan ah agaasimaha.
Waxaa uu qorshuhu yahay in maxkamadda ay xukun ku riddo Isniinta soo socoto.
Garsooraha ayaa sidoo kale meesha ka saartay damaanadii ninkan waxayna amartay in lagu sii hayo xabsiga .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here