DHAGEYSO:Garsoore la’aan la sheegay inay ka jirto maxkamadda gobolka Banaadir

0
136

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) ayaa sheegay in xilligan maxkamaddaasi ay wajahayso Garsoore la’aan haysato, iyada oo kiisas farabadan ay yaallaan.
Waxaa uu sheegay in Maxkamaddu ay qabatay sanadkan ilaa 1,524 Gal dacwadeed, islamarkaana Maxkamadda ay ka howgallaan kaliya ilaa 13 Garsoore, taasina aysan ku filneyn.
Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa intaasi ku daray in ay jiraan Imtixaan la qaaday oo ay garsoorayaal ku guulaysteen, balse ay u shaqeyn la’yihiin dhaqaalo la’aan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here