Madaxweynaha dalka William Ruto oo ku sugan magaalada Beijing ayaa dowladda Shiinaha uga mahadceliyay in ay lacag dhan 34 bilyan oo shilin ku maalgelinaysa dhisidda waddooyinka maro degmooyinka kala duwan ee waddanka.
Waxaa arrinkan bayaan ku sheegay afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Xuseen Maxamad oo faahfaahin ka bixinayay safarka madaxweyne Ruto.
Xuseen ayaa qoraalkiisa ku xusay in waddooyinkan ay isticmaalaan boqolkiiba 70 ee shacabka ku nool Kenya.
Waxa uu intaasi ku daray in madaxweyne William Ruto iyo dhigiisa Shiinaha Xi Jinping ay ka wada hadleen sidii marinka casriga ee tareennada ee SGR-ka uu isugu xiri lahaa magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru iyo dalalka Uganda , Rwanda, DRC Congo iyo Congo Brazzaville .
Tani ayaa looga gol-leeyahay in lagu fududeeyo isku xirka gobolka iyo arrimaha socdaalka.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dhisidda mashruuca LAPSSET ee Lamu-Garissa ilaa Isiolo.
Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale la kulmay mas’uuliyiinta bangiga maalgashiga kaabayaasha ee Asian Infrastructure Investment Bank iyo shirkadda dhismaha dhanka isgaarsiinta ee Shiinaha ee (CCCC).