Waaxda arrimaha cadaaladda ee Maraykanka ayaa shaacisay in mas’uuliyiinta ururka Xamaas ee dalka Falastiin ay ku soo oogaysa dacwado ku saabsan in ay 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore ay fal dambiyeedyo ka gaysteen gudaha Israa’iil.
Mas’uuliyiintan waxaa ka mid ah hoggaamiyaha ururka Xamaas Yahya Sinwar oo la rumeysan yahay inuu ku sugan yahay gudaha Qaza, Khaled Meshaal oo deggan Dooxa iyo madaxa xafiiska arrimaha qurba joogta ee ururkan Cali Baraka oo ku sugan dalka Lebanon.
Sidoo kale waxaa liiskan ku jiro magacyada saddex qof oo horay uga tirsanaa Xamaas balse la dilay sida madaxii hore Ismaaciil Haniyeh,Maxamad Deif iyo Marwan Issa.
Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka Merrick Garland ayaa bayaan ku sheegay in shakhsiyaadkan ay hubeysan yihiin ayna taageero iyo maalgelin siyaasadeed ka helaan dowladda Iiraan iyo ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Maraykanka uu dhanka kale sheegaya inuu ku howlan yahay in la soo saaro heshiis cusub oo ku aaddan xabbad joojin ka dhaqan gasho Qaza iyo maxaabiista xiran in la siidaayo.
Maraykanka ayaa arrintan la kaashanaya dowladaha Masar iyo Qatar oo ay si wadajir ah u kala dhexdhexaadinayaan Israa’iil iyo Xamaas.