Wasaaradda caafimaadka oo ku dadaalaysa in dhakhaatiirta aynan shaqo joojin sameyn

0
148

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in ay si dhow ula shaqeyn doonto golaha barasaabyada ismaamullada waddanka ee (CoG) si looga hor tago in dhakhaatiirta ay shaqo joojin sameeyaan.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday wasiiradda caafimaadka ee dalka Deborah Barasa ka dib markii ay la kulantay guddoomiyaha guddiga arrimaha caafimaadka ee golaha CoG ahna barasaabka dowlad deegaanka Tharaka Nithi, Muthomi Njuki.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii xubnaha ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU ay dhawaan wacad ku mareen in ay shaqo joojin sameyn doonaan haddii aan si buuxda loo dhaqangelin heshiis ay horay ula saxiixdeen dowladda sare iyo ismaamullada kaasi oo horseeday in la soo afjaro shaqo joojintii hore.
Dr.Deborah ayaa xaqiijisay in wasaaradda caafimaadka ay qodobbadii lagu heshiiyay dhaqangelin doonto si looga baaqsado shaqo joojin kale.
Barasaabka ismaamulka Tharaka Nithi ,Muthomi Njuki ayaa dhankiisa wasaaradda ku boorriyay in ay ballanqaadkan ka dhabeyso si aan loo carqaladeyn bixinta adeegyada caafimaadka ee isbitaallada dowladda.