Boko Haram oo dhowr qof ku dishay Nigeria

0
178

Waxaa lagu soo warramayaa in dhowr qof ay ku dhinteen weerar ka dhacay Waqooyiga Bari ee dalka Nigeria.
Tani ayaa timid ka dib markii dagaalyahaanno looga shakiyay in ay xubno ka yihiin kooxda Boko Xaraam ay bartilmaameedsadeen tuulo iyagoo dab qabadsiiyay dukaamo iyo guriyo.
Afhayeenka booliiska gobolka Yobe oo ay tuuladaasi ka tirsan tahay Dungus Cabdulkariim ayaa sheegay in kooxda weerarka soo qaadday ay tiro ahaan ahayd ilaa 150 xubnood oo ku hubeysnaa qoriyo iyo bambooyin.
Waxay falkaasi u adeegsadeen in ka badan 50 mootooyin ah.
Waxaa uu xusay in ilaa iyo hadda aynan xaqiijin tirada rasmiga ee dadka lagu dilay tuulada Mafa .
Cabdulkariim ayaa intaasi ku daray in weerarkan uu ahaa mid looga aargoosanayay dilka labo xubnood oo ka tirsan kooxda Boko Xaraam oo dhawaan dhacay.