Orodyahanad u dhalatay dalka Uganda sidoo kalena bishii hore ka qayb gashay tartankii ciyaaraha ee Olombikada ee lagu qabtay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, Rebecca Cheptegei ayaa la dhigay isbitaalka Moi ee magaalada Eldoret, ka dib markii ay soo gaareen dhaawacyo halis ah oo gubasho ah.
Dhakhaatiirta isbitaalkaasi ayaa sheegay in boqolkiiba 80 uu jirkeeda gubtay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in falkan u gaystay ninkeedi hore oo ay kala tageen.
Waxaa la sheegay in khilaafkooda uu ka dhashay dhul la isku haysto.
Qoyska Cheptegei ayaa dalbanaya cadaalad, halka tuhmanaha sidoo kale la dhigay isbitaal ka dib marki uu dhaawac ka soo gaaray dabkii uu shiday.