Shaqaalaha dowladda oo meesha ka saaray shaqo joojintii qorsheysnayd

0
209

Ururka ay ku mideysan yihiin shaqaalaha dowladda ayaa meesha ka saaray qorsho ku aadanaa in ay toddob cishe ka dib guda galaan shaqo joojin.
Tani ayaa timid ka dib markii mas’uuliyiinta ururkan ay la kulmeen wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Justin Muturi .
Waxaa uu wasiirka u xaqiijiyay in ugu dambeyn dhammaadka bishan la dhaqangelin doono wajiga labaad ee heshiis gorgortan ku saleysnaa oo horay loola saxiixday kaasi oo mushaaraadka loogu kordhinaya shaqaalaha dowladda.
Muturi ayaa xusay in wasaaradda maaliyadda ay bixin doonto 1.5 bilyan oo shilin oo howshan loo adeegsan doono.