Gachagua oo shaqaalaha dowladda faray dhaqangelinta amarrada madaxweynaha

0
117

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa saraakiisha dowladda faray in ay dhaqangeliyaan amarrada uu bixiyo madaxweynaha qaranka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in mas’uuliyiintan laga doonaya in ay si dhameystiran ugu tallaaba qaadaan amarrada madaxweynaha si aan su’aallo la iskaga waydiin waxqabadka maamulkiisa.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu daahfuray labo nidaam oo dhanka macluumaadka ah kuwaasi oo fududeynaya in dabagal lagu sameeyo qaabka loo hirgeliyo waxyaabaha uu hoggaamiyaha dalka faro.
Mr .Gachagua oo nidaamyadan ku soo bandhigay xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in wasiirrada, xoghayeyaasha iyo shaqaalaha kale ee dowladda laga doonaya in ay ka dhabeeyaan amarrada madaxweyne William Ruto si aan loo dhaawicin sumcadiisa oo aynan dadweynaha iskaga dhaadhicin inuu ballanqaad keliya u sameynaya.
Labada hannaan ee maanta la daahfuray ayaa kala ah (PDMIS) iyo midka maareynta macluumaadka safarrada dibadda ee (FOTIMS).
Ujeeddada arrintan laga leeyahay ayaa ah xaqiijinta daahfurnaanta , isla xisaabtanka ku aaddan bixinta adeegyada dadweynaha , in adeegyadan ay noqdaan kuwo wax ku ool ah iyo dardargelinta go’aan qaadashada.