Ugu yaraan 25 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen daadad ka dhashay roobab culus oo ka da’ay gobollada Koonfureed ee dalka India.
In ka badan 16 oo dadkan ka mid ah ayaa ku geeriyooday gobolka Telangana halka 9-ka kale ay ku dhinteen gobolka Andhra Pradesh .
Maamulka gobolka Telangana ayaa dowladda dhexe ee India ugu baaqay in ay ku dhawaaqdo in daadadka ay yihiin musiibo qaran.
Ilaa iyo hadda ,3,800 oo qof ayaa laga soo samata bixiyay gobolka Telangana waxaana la geeyay xerooyin ku meel gaar ah.
Ciidamada ilaallada hawada sare ee India ayaa sheegay in labada gobol ee ay saameynta fatahaadaha soo gaartay ay ka howlgeliyeen ugu yaraan oo ah saraakiisha samata bixinta.
Waxaa sidoo kale halkaasi la geeyay ilaa 30 taan oo gargaar degdeg ah.