DHAGEYSO:Qoysaska dadkii ku dhintay shilkii buundada Nithi oo baroordiiqaya

0
144

Waxaa weli baroordiiq sameynaya qoysaska iyo ehellada dadkii habeenadii ay Axadda soo galeysay ku nafwaayay shil ka dhacay buunddada Nithi Bridge ee ismaamulka Tharaka Nithi.
Waxaa halkaasi ku nafwaayay ilaa 12 qof .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadkaasi ay u badnaayeen xubnaha urur haween oo la aasaasay saddex bilood ka hor kuwaasi oo u safrayay Meru.
Xubnahan ayaa ku heshiiyay in ay dhexdooda sameeyaan booqasho joogto ah oo ay iskaga war haynayaan kuna xoojinayaan midnimadooda.
Qoysaska iyo ehellada dadkii shilkaasi ku dhintay oo dareenkooda la wadaagay warbaahinta ayaa dowladda ka codsaday in ay wax ka qabato buundada Nithi oo ay shilal badan oo geeri sababay ay ka dhaceen.