Dowladda dalka Iiraan ayaa sheegtay in baaritaan lagu sameeyay shilkii diyaaradeed ee dhacay bishii Shanaad ee sanadkan lagu ogaaday in ay sababtay cillad dhanka cimillada ah.
Guddiga baaritaannada sameynayay ayaa arrinkan shaaciyay.
Waxaa shilkaasi ku geeriyooday mas’uuliyiin uu ka mid ahaa madaxweynihii Iiraan ee xilligaasi Ebrahim Raisi.