Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa ballan qaaday in dowladdu ay wax ka qaban doonto shilalka ku soo noqnoqday Buundada Nithi Bridge ee ismaamulka Tharaka Nithi.
Waxaa uu sheegay in goobtaasi ay noqotay meel halis ah oo ay dad badan ku nafwaayeen.
Gachagua ayaa shacabka ismaamullada Meru iyo Tharaka Nithi u sheegay inuu la xiriiray xoghayaha waddooyinka ee dalka Joseph Mbugua oo u xaqiijiyay in dib u naqshadeynta buundadaasi ay ku dhow dahay gabogabo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu arrintaasi dabagal ku sameyn doono si looga baaqsado shilalka badan ee halkaasi ka dhaca ee galaafta nolosha shacabka.
Ballanqaadka madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa ku soo aadaya iyadoo 12 qof ay ku dhinteen shil buundadaasi ka dhacay.
Shilka ayaa abaare 7:20 daqiiqo ee fiidnimo ee Sabtida saameeyay buundada Nithi Bridge ee waddada xiriirisa Chuka-Meru gaar ahaan qaybta ismaamulka Tharaka Nithi .
Shilka ayaa u dhexeeyay baabuur ama bas yar oo rakaab siday iyo nooca gawaarida ee qaada xamuulka fudud .
Ciidamada booliiska ayaa laga soo xigtay in dhacdadaasi ay ku nafwaayeen dhamaan rakaabka oo isugu jiray 8 haween ah, labo rag ah iyo labo dhallinyaro ah.
Baaritaannada horudhaca ah ayaa muujinaya in shilka uu dhacay ka dib markii wadaha baska yar uu ka soo gudbay qaybtii waddada ee loogu talagalay inuu adeegsado.
Darawalka ayaa ka dhaawacmay dhanka lugta midig waxaana sidoo kale uu madaxa dhaawac ka soo gaaray qof rakaab ah oo la geeyay isbitaalka wayn ee magaalada Chuka.
Meydadka 12-ka qof ee shilka ku geeriyooday ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Chuka si loo aqoonsado oo baaritaan loogu sameeyo.
Labada baabuur oo uu soo gaaray burbur xooggan ayaa loo jiiday saldhigga booliiska ee Chogoria si kormeer dabagal ah loogu sameeyo.
Taliyaha booliiska ee ismaamulka Tharaka Nithi , Zacheaus Ng’eno oo xaqiijiyay shilka iyo khasaaraha ka dhashay ayaa wadeyaasha gawaarida ku boorriyay in ay aad u taxadaraan gaar ahaan marka ay ku soo wajahan yihiin buundada halista ah ee Nithi Bridge.
Buundadan oo ah ilaa 50 mitir ayaa la dhisay sanadkii 1983-dii waxaana ka dhacay shilal badan oo uu ka mid ahaa mid ay sanadkii 2022-kii ku dhinteen 36 qof oo rakaab ahaa.