Xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Koonfurta ismaamulka Wajeer Maxamad Caddow ayaa sheegay in ay dadaal badan ku bixinayaan sidii wax loo bari lahaa ardeyda deegaankaasi isla markaana dugsiyada lagu sameynaya dib u dhis , qalabeyn iyo dayactir.
Waxaa uu xusay in la ballaarin doono dugsiga hoose dhexe ee Abaqkorreey iyadoo dhanka kale magaaladaasi laga dhisaya dugsiga sare ee gabdhaha.
Waxaa uu dhanka kale , eedeyn culus u jeediyay dowladda ismaamulka Wajeer oo uu sheegay in aysan wax fiican ka qaban baahiyaha bulshada ku nool deegaanka Koonfurta Wajeer.
Xilli uu ka qayb galay xaflad diini ah oo dhawaan lagu qabtay magaalada Abaqkoorreey ayuu xildhibaan Maxamad Caddow oo arrimahan ka hadlaya yiri.